Gudiga doorashada Puntland oo shaaciyay habraaca diiwan galinta xisbiyada

Wararka Maanta

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa shaaciyay Hannaanka iyo Habraaca loo marayo is-diiwaan-gelinta ururada siyaasadeed ee Puntland.

Guddiga ayaa sheegay, in qabashada codsiyada diiwaan-gelinta, ay socon doonto mudda saddex bilood ah laga soo bilaabo 15-kii bishan December 2019 ilaa 15-ka March 2020-ka, wakhtigaasi oo ay ku egtahay diiwan-gelinta ururada Siyaasadda.

Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in Urur kasta oo doonaya in loo diiwaan-geliyo urur-siyaasadeed uu codsigiisa soo raaciyo lifaaqa ay ku jiraan 10 nuqul oo xeerka ururka ah, liiska magacyada as’aasayaasha ururka oo lagu soo daabacay nootaayo sharciyaysan iyo caddayn maqal iyo muuqaal ah oo muujinaysa goortii iyo goobtii lagu as’aasay ururkaasi.

Lifaaqa la soo raacinayo codsiga diiwaan-gelinta, waxa sidoo kale la doonayaa in ay ku jiraan; magacyada guddiga fulinta ururka, qaab-dhismeedka ururka ay weheliyaan calaamadaha iyo hal-k-dheggiisa, cinwaanka ururka oo dhammaystiran iyo in uu bixiyo deebaaji dhan $3500 Dollar oo aan celis lahayn.

Dhinaca kale, guddiga ayaa shaaciyay in mudada u dhexaysa 16-March 2020 ilaa 31-march 2020, ay hubin ku samayn doonaan dhammaan urur-siyaasadeedyada soo gudbiyay codsiga diiwaan-gelinta, si loo xaqiijiyo in ay buuxiyeen shuruudaha.

Shuruudaha waxa kamid ah; in urur kasta 6 kamid ah 9-ka gobol ee Puntland, uu ku leeyahay ugu yaraan 300 oo taageeraayaal buuxiyay shuruudaha cod-bixinta iyo sidoo kale in ay reebban yihiin ururada ama xisbiyada leh muuqaalka qabiil ama ciidan.

Habraacan ayaa ku soo beegmay, xilli shalay ururkii ugu horreeyay uu soo gudbistay codsiga ah in la diiwaan-geliyo, islamarkaana guddigu ay siiyeen formka Habraaca, kaasi oo haddii uu buuxiyo loo diiwaan-gelin doono urur-siyaasadeed dhammaystiran.