Inta Badan Wadooyinka Muqdisho Oo Saaka Xiran Maxay Tahay Sababtu?

Wararka Maanta

Wadooyinka Waa Weyn Ee Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Ayaa Saaka Xiran, Iyadoona Gaadiidka Dad-weynaha Aan Loo Ogoleyn In Ay Iskaga Kala Gooshaan Isgoysyada Waa-Weyn Qaar Ee Muqdisho.

Dhammaan Gaadiidka Ay Isticmaalaan dad-weynaha Ayaa Loo Diidayaa In Ay Maraan Wadooyinka Waa-Weyn Ee Muqdisho Balse Kaliya Waxa Loo Ogol Yahay In Ay Isticmaalaan Gawaarida Ay Wataan Ciidanka Dawladda faderaalka Ah Ee Soomaaliya.

Ciidamo Isugu Jira Booliis Iyo Nabad-Sugid Ayaa Lagu Arkayaa Inta Badan Wadooyinka Muqdisho Kuwaas Oo Gawaarida U Diidaya In Ay Isticmaalaan.

Isgoys-yada Saaka Xiran Ayaa Waxaa Ka Mid Ah Isgoyska Taleex, Banaadir 14-October Ex-Zoobe, KM4, Zayidka Iyo Kuwo Kale Oo Muhim Ah Oo Ku Yaal Gudaha Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Dalka.

Sababta Loo Xiray wadooyinka Ayaa Wararka Qaar Waxa Ay Sheegayaan In Ay Tahay Shirka Ururka iskaashiga Islaamka Oo Maanta Ka Furmaya Magaalada Muqdisho Kaas Oo Ay Ka Qayb-galayaan Ergo Kala Duwan Oo Ka Tirsan Ururkaan.

Wafuudii Ka Qayb Galeysay Shirkaan Ayaa Intooda Badan Waxa Ay Shalay Soo gaareen Magaalada Muqdisho Inkastoo Wafuud kale Saaka Laga Sugayo In Ay Kasoo Degaan Garoonka Diyaaradaha muqdisho.

hadda Waxaa Muqdisho Ku Sugan Mas’uuliyiin Ka Socota Dalalka Turkiga, Boqortooyada Sacuudi carebiya Iyo Maleysia Kuwaas Oo Shirkaan Ka Qayb Galaya.

Shirkaan Ayaa Waxa Uu noqonayaa Kii Ugu Horreeyey Oo Nuuciisa Lagu Qabto Magaalada caasimadda Ah Ee Muqdisho.