Ilwaad Elman oo loo magacaabay la taliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay

Wararka Maanta

Ilwaad Elman waa gabar Soomaaliyeed oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada, Haatan Ilwaad dadeelkii waxaa aqoonsatay Qaramada Midoobay oo u magacowday inay ka mid noqoto la taliyeyaasha dhanka nabadeynta ee Xoghayaha Guud ee Jamciyaddaasi, Antonio Guterres.

Gabadhan ayaa waxaa dhalay Halyeygii Elman oo lagu xasuusto nabadeynta iyo daryeelka ciyaal darbi jiifka  magaalada Muqdisho. waxaana gabadhan muddana ka howlgalaysay gudaha magaalada Muqdisho.

Ilwaad oo ku soo barbaartay qurbaha waxna ku baratay ayaa markii dambe go’aansatay inay dalkeeda hooyo dib ugu laabato si ay gacan u gaysato soo kabshada dalka.

 

Ilwaad ayaa madax ka ah hay’adda Elman Peace oo ka shaqeysa arimaha Nabadda iyo daryeelka caruurta. waxaana hay’adani xarumo ku leedahay qeybo ka mid ah dalka.