Saxafi Soo bandhigay Musuqmaasuq oo lagu diley Ghana

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Saxafi ah kuwa sida qarsoon u shaqeeya oo dhawaan soo bandhigay barnaamij uu ugu hadlayo musuqmaasuq ka jira dalka Ghana ayaa lagu toogtay dalkaasi.

Saxafigan la toogtey ayaa xiliga la dilayey watay gaari isagoo ku sii jeeday gurigiisa, kadib markii qaar ka tirsan siyaasyiinta wadankaas u hanjabeen.

Warbaahinta gudaha ee dalkaas ayaa sheegtay In Rag saaran Mooto ay toogteen, Ahmed Hussein- Suale sadex jeer magaalo madaxda dalkaas Accra.

Wariyahaan la toogtey ayaa kamid ahaa koox baarayaal ah oo la yirahado Tiger Eye Private kuwaas oo baarayey musuqmaasuqa kubada cagta.

BBC ayaa sanadkii 2018 ka sameysay filin dibada soo dhigey musuqmaasuqa baahsan ee ka jira ururka kubada cagta ee dalkaas.

Dalka Ghana ayaa ka mid wadamada ay ku yar tahay tacadiga saxafiyiinta, balse dilka wariyahan ayaa welwel ku beeraya saxafiyiinta ka howlgala dalkaasi.