Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyta Cas (ICRC) ayaa maanta deeq dawo ah soo gaarsiisay isbitaalka Guud ee Degmada Cadaado. Deeqdaan oo diyaarad gaar ah keentay garoonka diyaaradaha Cadaado, ayaa waxaa la socday masuuliyiin ka tirsan hay’adaas kuwaas kormeeray howlaha shaqo ee isbitaalka Cadaado.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey Rephael, waxa ayna shir albaabadu u xiran yihiin la qaateen Maamulka degmada Cadaado iyo odayaasha Cadaado, sidoo kale waxa ay la kulmeen Madaxda isbitaalka oo uu ugu horeeyo Dr. Maxamed Cumar Yuusuf agaasimaha guud ee isbitaalka Cadaado. Sidoo kale Dr Maxamed ayaa sheegay in ay ICRC ka heleen 86 kartoon oo dawo ah , wuxuuna ka mahad celiyey deeqdan la soo gaarsiiyey.
Dhanka kale isbitaalka Cadaado ayaa ah kan ugu weyn Galmudug, isagoo bixiya adeegyada kala duwan si lacag la’aan ah. waxaana caawiya hay’adda Save The Childeren.
Deeqdan dawada ayaa ku soo aadaysa iyadoo deegaanada Galmudug lagu haysto Sonja Nientiet oo ah gabar u shaqeynaysay hay’adda ICRC, gabadhaas oo 2 bisha May laga soo afduubtay Magaalada Muqdisho.
Fiiro gaar ah: Waxaan dhawaan soo daabici doonaa warbixin ka hadlaysa halka lagu haysto gabadhaas, iyo xaaladeeda guud. nala soco.
www.ceelhuur.com
isha wararka xaqiiqda ah.