Halkee marayaa Wadahadalka Galmudug & Ahlusunno?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan wafuud ka kala socota Dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka Ahlusunno, wufuudaan ayaa halkaasi u jooga sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Siyaasadeed ee ka jira gobolada dhexe.

Labada dhinac ayaa guddiyo u xilsaartay wadaxaajoodka, sidoo kale dowlada Federaalka ayaa magacowday guddi dhexdhexaadin oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Gudiga Galmudug ku matalaya wada hadalka ayaan wali la kulmin guddiga dhexdhexaadinta ee dowladu magacowday, waxaana lagu wargaliyey in marka ay Gudiga dowlada iyo Ahlu sunno wax meel isla dhigaan kadib ay la kulmi doonaan si ay dhankooda looga dhageysto aragtidooda.

Dowlada ayaa u kala dabqaadaysa labada dhinac, waxaana muuqata in dowladu ay ku adkaatay in ay Ahlu sunno ku qanciyaan in ay ka dabcaan shuruudaha farabadan oo ay wataan.

Ahlu sunno ayaa ku doodaysa in marka hore dowladu xaliso dalabkooda, kadibna loo gudbo wada hadalka Galmudug iyo Ahlu sunno.

Dhanka kale Waxgaradka Gobolada dhexe ayaa cod dheer ku sheegay in labada dhinac tanaasul la yimaadaan, una daneeyaan bulshada tabaalaysan.

Sidoo kale waxaa gabaabsi ah waqtigii ay dowladu ugu talagashay wada hadalka oo ku eg 24 bishan sida ku qorneyd heshiiskii dowladu la gashay Galmudug, muddo saddex maalmood ayaa ka dhiman mudadaas. Wadaxaajoodka ayaa u muuqda inuu u baahan yahay waqti dheeraad ah.

Wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com