Guuleed oo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka Madasha Qaran

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Maanta Gaaray Magaalada Muqdisho ee CĂ asimada Somalia .

abaara 9:00am subaxnimo ayuu madaxweynuhu ka soo dagay garoonka diyaaradaha Adan cade , wadaxweynaha ayaa waxaa siweyn u soo dhaweyay Wasiiro kawada tirsan dowlada federaalka iyo Galmudug xildhibaano kawada tirsan dowlada federaalka Galmudug iyo qeybaha bulshada .

Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay kusugnaa dalka ugandha uuna u joogay nasiino madaama uu ka soo bogsaday xalad cafimaad uu mudoyinkii danbe kusugnaa.

intii uu joogay ugandha ayaa madxweynuhu uu lakulmay madax kala duwan oo somalia iyo ajaabnib isugu jira waxa uuna kala hadlayay arimaha somalia iyo galmudug.

madaxweynaha ayaa maalinta beri ah lagu wadaa in uu ka qeybgalo shirka madasha qaran oo noqonaya shirkii ugu danbeyay .

Dowlada Galmudug iyo shacabkeeda ayaa dhaliilsan odaygii dowladu dhawaan ku dartay odayshi 135 ahay ee hore waxaana lagu wadaa in uu madaxweynuhu arintaas kala hadlo dowlada uuna jeediyo rayiga bulshada Galmudug .

madaxweyna iyo kuxigeenkiisa ayaa horay u sheegay in ay san marnaba aqbali doonin wax xad gudub iyo sadbursi ku ah shacabka Galmudug.

w/Qorey: Beereey

Comments are closed.