Deegaanka Goobweyn waxay magalada Kismaayo kaga beegan tahay waqooyi, qiyaastiina waxay u jirtaa magalada 15-KM.
Waa deegaan kulmiyay beeralay, Kalluumaysato iyo Xoolo raacato, waa dhul cimilo ahaan wanaagsan balse u baahan maalgalin.
Goobweyn waaa meesha ay isaga darsamaan Badda iyo Webiga Jubba, hareeraha wabigana waxaa ku yaala beero wax soo saar leh. Dadka ku nool halkan waa dad ku mashquulsan danahooda maalintii.
Deegaankan waxaa ku sugan ciidanka Jubbaland, oo ilaaliya ammaanka. Kooxda Al-Shabab-na waxaa laga saaray labo sanno ka hor balse waxaa jirta cabsi ah in waddooyinka qaaarkood miinooyin ku aasan yihiin. Waaaana sababta keentey inaan tagi weyno halka ay isaga darsamaan wabiga iyo badda.
Dhulka oo dhan haddii ammaan uu noqdo Soomaaliya iyadaa noqon doonto waddanka ugu wax soo saarka wanaagsan. Saaxiibaddaa lasii wadaag #Dalnuurshe #Goobweyn #Kismaayo #Jubbaland #Somalia. #SHARE.
Sawiradan waxaa leh : Cali Cabdi Ducaale
