Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo kuxigeenkiisa ayaa ku kala qeybsan ka qeyb galka shirka Maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasoo dhowaan dib uga bilowday magaalada Jowhar.
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa sheegay in shirka Jowhar Jowhar uu si wanaagsan iyo dar dar ku socdo, isla markaana uu ka eegayo danta labada gobol, isagoo xusay in isaga iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ay ku kala aragti duwan yihiin.
“Shirka waa socdaa, dar dar ayuuna ku socdaa, dhankeena maamulkaas inuu dhismo oo howsha halkeeda ka sii socota rabtaa, aniga iyo Guddoomiyaha waa kala aragti duwnaaan karnaa, waxaa ka eegeynaa maxaa dan u ah labada gobol”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye Dabageed uu horay Jowhar u keenay Ergooyinkii ka socday Hiiraan oo gaarayay illaa boqol xubnood, isla markaana sagaal bilood ku sugnaa Jowhar, waxaa uu xusay in aanay jirin sabab ay hada ka noqdaan.
“Guddoomiyaha markii hore asiga qeyb ka ahaa, halkana keenay ergooyin boqol ku dhow, halkan Jowhar 9 bilood ayaa la fadhiyay, anaga ayaana keennay, mana ka tanaasuleyno”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen.
Yuusuf Dabageed ayaa dhowaan qaadacay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka iyo IGAD inay doonayaan in shacabka ku qabsadaan maamulka lagu dhisayo Jowhar.
Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa hada maraya marxalad xasaasi ah, iyadoo odayaasha dhaqanka lagu wargeliyay inay qeybsadaan 71 Xildhibaan, waxaana jira muran ka taagan hab qeybsiga tiradaas oo beelaha qaar sheegaya in tirada ay tahay mid aan ku fileyn beelaha labada gobol.
Comments are closed.