Aqalka sare oo kalfadhi kaleh sharciga doorashooyinka

Wararka Maanta

Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulankooda caadiga ahaa ku leh xaruntooda Muqdisho, iyadoo ajandaha kulanka maanta uu yahay Sharciga Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal.

Sharcigan oo todobaadyadii la soo dhaafay loo saaray Guddi ka baaraan-daga si ay dib u eegis ugu sameeyaan, ayaa maalintii Arbacadii dib ugu soo celiyay Golaha, si loo ambaqaado akhrinta labaad, isla markaana laga doodo.

Dooda Senatarada Aqalka Sare ka yeelanayaan sharcigan ayaa ah mid adag, waxaana la filayaa in kulanka maanta uu qaato saacado badan, marka loo eego qodobada qaar ee sharcigan oo la isku haayo.

Sharciga Doorashooyinka Qaran ayaa waxaa dhamaadkii bishii December ee sanadkii 2019 meel mariyay Golaha Shacabka, waxaana uu u soo gudbiyay Aqalka Sare oo la filayo in kama dambeys uu ansixiyo, si Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu u saxiixo.