Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Nabadeyn ah ka Sameeyey Dhagtuur

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 21aad, waxaana hogaaminaya Gaashaanle Dhexe  Cabduqadir Maxamed (Gasaawe) oo maalmo kohor gaarey deegaanka dhagtuur ayaa xaliyey xiisad ka dhex jirtay beelo deegaanka wada degan taas oo salka ku heysay baraago deegaanka laga qoday oo mid ka mid ah beelaha halkaa dagan ay ka biyo diiday.

Sidoo kale waxaa howlgal qeyb ka ah Taliyaha Ururka 55aad Dhamme Maxamuud Cabdullaahi Xaashi (Xidig) iyo Taliyaha ururka 43aad Gaashaanle Cabdiraxmaan M. Sahal (Sheekeeye).

Saraakiishan ayaa waxaa la socda masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Mudug Axmed Maxamed Shire (qoodaar), iyaga oo ku guuleystay xalinta labadaasi beelood.

Saraakiisha taliska iyo masuuliyiinta kale ee gobolka Mudug ayaa labada dhinac kulamo ay la qaateen kadib ku guuleestay in la duugo dhamaan baraagihii lagu muransanaa waxaana dhinacyadu isla garteen in arinta deegaanka loo saaro guddi ka kooban 14 xubnood oo laamaha amniga kala shaqeeya xaalada amni ee deegaanka iyo xalinta tabashooyinka yar yar.

Ugu dambeyn guddiga howshan ku jiray ayaa sameeyey xirmo dhuleed ka caagan deegaameysiga gaar ahaan in laga qodo baraago si looga baaqsado isku dhacyo halkaa ka yimaada.