Geela oo dhibaato ku haya Dhirta Magaalada Cadaado

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

FB_IMG_1492413849063

Cadaado waa xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug, waana mid ka mid magaalooyinka ugu koboca badan gobolada dhexe.

Tobankii sano ee ugu dambeysay waxaa xowli ku socday bilicda iyo dhismaha Magaalada, mashaariic badan oo horumarineed ayaa ka hirgalay, oo ay ka mid yihiin dhismaha xarumaha dantaguud, wadooyin, Dhireyn, iyo bilicda magaalada.

Cadaado ayaa ceebaha ay leedahay waxaa ka mid dhirta oo ku yar, taas oo ay cimilo ahaan la qabto magaalooyinka gobolada dhexe, balse shantii sano ee ugu dambeysay ayaa magaalada ka hirgalay in ay dadku fahmaan dhireynta.

Arinta dhireynta oo awalba gaabis aheyd ayaa waxaa uga sii daray geel lagu soo daayey magaalada, geelaas oo muddo sanad ka badan dhibaato ku haya dhirta magaalada.

Waxaana dadka iska leh in  geelle halkii ay banaanka magaalada u soofin lahayeen ay gudaha magaalada ku soo fasaxaan, taas oo caqabad ku noqotay dhireynta magaalada.

Arimaha aan magaalada ku arkay waxaa ka mid ah in nin oday ah habeenkii seexda banaanka dukaankiisa, si uu geela uga ilaashado dhirta uu ku beeray dukaanka hortiisa. Dadka qaar ayaa ka niyad jabay in ay dhireeyaan xarumahooda ganacsiga.

Maamulka degmada ayay bulshadu ku dhaliilayaan in ay ka gaabiyeen arintaan, waxaana talo ahaan ku soo jeedinayaan in arintaan lagu xakameyn karaa in la ganaaxo geella si ay u ceshtaan dadkii lahaa.

W/Qorey: Maxamed Dhagacade

Cadaado- Soomaaliya