Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda Ceel-waaq

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka socdo degmadaas, kaddib markii dagaalyahano ka tirsan AlShabaab ay weerareen.

Sida ay sheegayaan wararka Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerar dhowr jiho ku qaadeen degmada, kaddib markii uu waagu baryay, wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalyahanada Shabaab ay gudaha u galeen degmada.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa lagu arkayaa waddooyinka degmada iyo xarumaha maamulka degmada Ceel Waaq oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan.

Ciidamadii iyo mas’uuliyiintii deegaanka ayaa la sheegay inay u qaxeen dhanka Kenya oo xuduud leh degmada Ceel Waaq.

Al-Shabaab ayaa miinooyin ku xiray saldhigii iyo xarumihii degmada, waxaana dadka deegaanka ay ku amreen inay banaanka isugu soo baxeen, iyagoo ugu khudbeeyay suuqa xoolaha degmada Ceel waaq.

Weerarka Al-Shabaab ku qaadeen degmada Ceel waaq ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu booqanayo Gobolka Gedo, waxaana uu xalay ku hoyday degmada Beledxaawo oo maalmo ka hor Shabaabka weerareen.

Waa degmadii labaad oo ku taal xuduud oo Al-Shabaab weerar ku qaadaan, todobaadkii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab ay muddo saacado la wareegeen degamda Beledxaawo.

 

Warkaan wixii ku so kordha kala soco wararkeena kale insha allah

Ceelhuuronline