Gawaari laga soo dajiyey dekada Hobyo (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa markii ugu horeysay muddo 20 sano ah laga soo dajiyey dekada magaalada Hobyo gawaari nuuca yar yar ah, gaawiradan ayaa waxaa sidan doon weyn oo ku xiran dekada, taas oo ka timid dalka isutagga imaaraatka carabta.

Doontaan ayaa sidoo kale sida badeecado kala duwan, waxaa kaloo jiro doonyo kale oo sida shixnado ganacsi oo la filayo in ay soo gaaraan dekada Hobyo.

Shaqaalaha muruqmaal iyo ganacsato ayaa usoo shaqo tagay dekada, waxaana dhaqdhaqaaq ganacsi laga dareemayaa magaalada.

fb_img_1481979805450 fb_img_1481979817964 fb_img_1481979828122 fb_img_1481979828122 fb_img_1481979832453