Gabar Quraanka ku Qortay Xariir iyo Biyo dahab (Sawirro)

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Gabar u dhalatay Azerbijan oo lagu magacaabo Tonzala Maxamed Zadah ayaa diyaarisay kitaabka Quraanka Kariimka maro xariir qafiif ah oo lagu dul qoray.

Gabadhan ayaa adeegsatay 50 mitir oo maro xariir madow ah iyo 1500 mililitar oo khad dahab iyo maar ah, gabadhan oo la hadashay wakaalada wararka ee dalka Turkiga Anadolu ayaa sheegtay in ay arintan aheyd shaqadii ugu wanaagsaneyd ee ay qabato.

Sameynta kitaabkaan ayaa qaadatay muddo saddex sanno ah, waa qofkii ugu horeeyey ee Xariir ku qora Quraanka Kariimka ah, waxa ayna tilmaantay in aad ugu faraxsan tahay howsha ay qabtay.

fb_img_1479844060877 fb_img_1479844057061 fb_img_1479844053296 fb_img_1479844049084
W/Turjumay: Maxamed Dhagacade
Xigasho: Anadolu

Comments are closed.