Akhriso:Khudbadaha Madaxda Shirka Amniga Qaranka

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa furay Shirka Amniga Qaranka.Madaxweynaha oo halkaasi ka jeediyay khudbad waxaa uu ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale xasilinta Amniga Soomaaliya

Ergayga Qaramada Midoobey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa Amaaney Dadaalada Dowlada Soomaaliya ay ugu jirto sugida iyo dhismaha Ciidanka

Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo hagaagayo Amaanka Soomaaliya Waxa uu intaa ku darey in Dunida ay usoo jeedo in Soomaaliya loogana baahanyahay Dadka Soomaalida in ay ka faaiideystaan

Wakiilka Midowga Afrika Ee Soomaaliya Ahna Madaxa Howlgalka Amisom ayaa khudbad uu jeedinayo kaga hadley Doorka Amisom Ee Amaanka Soomaaliya Waxa uu sheegay in Al shabaab looga adkaadey Dagaalka inta badan Dhul badana laga qabsadey

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay qaadan karaan Doorka wanaagsan ah Oo ah in ay garabsiiyaan laamaha Amaanka

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in AL shabaab iyo IS ay dhib ku Hayaan Soomaaliya Waxa uu sheegay in Puntland ay dagaalo ay la gashey ay uga guuleysatey dhinacyadaasi

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa soo jeediyey in Shirarkan Howlgalo loo badalo oo Ficil lala yimaado isaga oo shegay in Shirkan Kan xigana looga hadli doono isla Arimahan sida darteed loo baahan yahay in Al shabaab dagaal lagu qaado Dhanka fikirkana Bulshada la fahamsiiyo in aysan sax aheyn dagaalada Al shabaab ay wadaan

Madaxweyne Shariif xasan Shiiq Aden ayaa dhankiisa sheegay in Alshabaab dhibaato ku hayaan dadka ku nool deegaanada koonfur galbeed

Waxa uu shegay in aan la joogin waqtigii Amisom ay Dalka ka bixilaheyd Maadaama aysan dhisneyn Ciidan Soomaaliya oo awood leh oo Amisom Amaanka kala wareega

Madaxweyne Axmed Geele Ducaale xaaf oo hadlay ayaa faahfaahiyey Shirkii jabuuti Ee galmudug iyo Ahlusuna Bishan dhexdeeda ayuu sheegay in uu dhuuso mareeb tagayo

Amaanka oo uu ka hadley Waxa uu soo jeediyey in hub Waa weyn la siiyo Ciidamada Soomaaliya Deg degna loogu dhaqaaqo howlgalada Ka dhanka ah Al shabaab

Maamul goboleedyada ayuu usoo jeediyey in ay iyaguna is abaabulaan oo dagaalada ka qeyb galaan

Madaxweyne Maxamed Cabdi waare ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la bilaabo howlgalada Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ay qaadayaan Ee ka dhanka ah Al shabaab. Mudane waare Waxa uu soo jeediyey in la mideeyo Awoodaha Soomaaliya iyo dhinacyada taageera si looga shaqeysiiyo

Gudomiyaha Gobolka Banaadir Anna duqa Muqdisho Mudane Thaabid Cabdi Maxamed ayaa khudbad uu jeediyey ku sheegay in Dadka Reer Muqdisho ay diyaar uyihiin In ay garabsiiyaan Ciidamada Amaanka

Waxa uu shegay in horumar wanaagsan laga gaarey xaga Amaanka Caasimada oo uu ku Amaaney Ciidamada Xasilinta .Waxa uu soo jeediyey in si guud looga wada shaqeyo Amaanka Dalka

Waxaa khudbado kadib loo Gudbey Soo jeedinta iyo Talooyinka Xubnaha aan Soomaalida aheyn oo ay ka mid yihiin Safiirada Dalalka Safaaradaha leh Dalka

Madaxda Ururo Caalami ah oo ka shaqeya Arimaha Ciidanka, Saraakiisha Amisom iyo Madaxkale

Gelinka dambe Ee Maanta ayaa la rajeynayaa in shirka Laga Soo saaro Warmurtiyeed la xiriira Qodobada Madaxda ay isla Meel dhigaan

Ceelhuuronline ayaad ka heli Doontaa  wixii kasoo baxa Insha Allah

Source:Universal TV