Gabar 14 jir oo Maxkamad ka Dacweysay Nin Aabaheed ku qasbay

Wararka Maanta

Dhacdadaan oo ugub ah ayaa waxaa ay ka dhacday Magalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka sool, kadib markii Xaawa Cabdi Aadan oo 14 jir ah ay Maxkamada degmadaasi ka dacweysay Aabaheed oo si qasab ah ugu guuriyey Nin ka da’weyn.

Ninka ayaa xilliga uu Aabaheed u guurinayay waxa ay aheyd sanadkii 2015kii xilligaas oo ay jirtay Da’da 11 halka Ninka loo guuriyey uu isana jiray da’da 30 sano  taas oo keentay in Gabadha ay ka cararto Hoygii loo geeyey ee Magalada laas-Caanood,is lamarkaana ay aaday Magalada Hargeysa.

Xaawa Cabdi Aadan oo 14 jir ah ayaa 23kii Bishii la soo dhaafay waxaa ay dacwad u gudbisay Maxkamada Magalada laas-caanood, iyada oo kasoo horjeeda Ninka ka da’da weyn ee uu Aabaheed ku guuriyey,waxaana Maxkamada Maanta oo Khamiis ah ay go’aamisay in uu furo Ninka lagu daray oo lagu Magacaabo Iftin Cabdi Aadan.

Xaawa Cabdi Aadan oo la hadashay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegtay in dacwada ay u gudbin naceyb ay u qabto Ninka loo guuriyey balse aysan gaarin da’da guurka, ugu dambeyna ay cadaalada ka heshay Maxkamada laas-caanood.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada laas-Caanood Cumar Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay in kiiska dacwadaas ay soo gaarsiisay Xaawa Cabdi Aadan oo ah Gabar yar kana dacwooneysay Aabaheed,waxana uu sheegay in Gabadha la mehriyey, iyada oo aan qaan gaarin,sidoo kalena aan lala socod siin.

Dad badan oo ku nool Gobolka sool ayaa aad hadal haya dhacdadaas tan iyo markii ay soo bilaabatay dacwada ay Xaawa Cabdi Aadan u gudbisay Maxkamada, hayeeshee ugu dambeyn Maanta go’aan laga gaaray.