Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin ayaa Magaalada New York ee dalka Mareykanka maanta ku saxiixday ka mid noqoshada Soomaaliya ee Qaraarka Qarammada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.
Soomaaliya waxay saxiixday Qaraarka Qarammada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah, noqotayna dalka 178daad. Dawladda 🇸🇴waxay u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka naafadaha ah. #Xuquuq #Sinnaan @SomaliPM @TheVillaSomalia pic.twitter.com/fDk9Y707j6
— Ministry of WomenHRD (@MwomenHRD) October 2, 2018
Soomaaliya ayaa noqoneysa Dalka 178-aad ee saxiixa Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xaquuqda Dadka Naafada ah, iyaddoo Dawladda Soomaaliya u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah.
Dalkeena oo soo maray colaado sokeeyo ayaa waxaa ka dhashay in dad badan laxaadkooda ku waayaan, waxaana dadka Naafada ah aysan inta badan helin daryeelkii ay u baahnaayeen.