Faafaahin Qaraxii Maanta ka dhacay Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug ayaa barqanimadii maanta  waxaa ka dhacay Qarax, gaar ahaan qaraxan ayaa ka dhacay goob miqaayad Shaaha laga cabo oo kasoo horjeedda Xerada Inji oo ay dagan yihiin Madaxda Maamulka.

Saraakiisha Ammaanka ayaa inoo xaqiijiyey in qaraxani ahaa nuuca miinada, waxaana ku geeriyooday Maxamed Cabdi Tirig oo ahaa  askari ka tirsan ciidanka Ahlu Sunna ee dhawaan la qarameeyey. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 4 qofood oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan Xildhibaanada Ahlu Sunna.

Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen qarax Miino oo lagu dhex qariyay Gasax Caana-boro ah,kaas oo la dhigay meel u dhow Saldhiga Booliska degmada Dhuusamareeb.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxyadaas, waxana ay sheegeen inay ku dileen askar ka tirsaneyn Maamulkii ahlusunna ee ku biiray Galmudug “Mujaahidiinta ayaa howlgallo khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Mushrikiinta ka fuliyay magaalada Dhuusamareeb ee wilaayada Galguduud” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya iyadoo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale ay shalay halkaas booqasho ku tageen Wafdi ka socday wasaaradda Gaashaandhigga Qadar.

Alshabaab ayaa 1 May 2012 Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Miqaayadda Dhagacade Bartamaha Dhuusamareeb ku dilay Ugu yaraan 5 qof oo ay ku jiraan xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo xildhibaan C/weli sheekh Max’uud, sidoo kale Qaraxaas waxaa ku dhaawacmay ilaa 3 xildhibaan iyo siyaasiga Axmed Cabdisalaam Xaaji Aden.

.