Ergooyin aan u dhalan Beesha Ceyr oo ka qeybqaatay codeynta kursiga Ceyr Bari

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maanta magaalada Cadaado ka dhacay doorashada kursiga Beesha Ceyr Bari, waxaana kursigan oo buuq badan ka taagnaa, waxaana horey dhowr jeer dib u dhacay doorashada kursigan, saaka 9:00 Am bilaabtay doorashada kursigan, waxaana goobta xaadir ku ahaa laba Musharax oo kala CabdiXakiin Macalin Axmed iyo Shukri Cabdi Faarax, waxaana goobta doorashada ka maqnaa musharixiinta kala ah : Maxamed Caabi Xasan, Axmed Mire Faarax (Faafaale), Xaliimo C/raxmaan Faarax iyo Sacdiyo Maxamed Cilmi.

Sidoo kale waxaa goobta joogay 45 ergay, arinta xusidda mudan ayaa ah in ergada qaar oo aan anigu bar garanay aysan u dhalan beesha kursiga iska leh, taas oo aheyd musuqmaasuqii ugu cuslaa ee aan la kulmo intii ay socotay doorashada aqalka hoose, waxaana horey u dhacday in musharixiin la celiyey goobta doorashada, balse waxaa meesha ka muuqatay in xataa laga been abuurtay beesha kursiga iska leh.

Kursigaan ayaa waxaa codeyntii la qaaday ku guuleystay C/xakiim Macalin Axmed oo helay 40 cod, halka Shurki Cabdi Faarax heshay 5 cod, doorashada ka socota magaalada Cadaado ayaa waxaa hareeyey musuqmaasuq aad u baahsan, waxaana sidoo kale kursiga beesha shiikhaal ku soo baxay musharax uu watay Madaxweynaha Galmudug, iyadoo la badalay ergadii beesha shiikhaal ee ay soo xuleen salaadiinta beesha.

Doorshada oo heer gababo ah maraya ayaa waxaa harsan saddex kursi oo kala ah: laba kursi beesha Mareexaan iyo hal kursi beesha Waceysle.