Dusmo-reeb iyo Guriceel Xabsi kor ka furan…. Qormo kooban

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dusmo-reeb waa caasimadda rasmiga ah ee dowlad goboleedka Galmudug, iyo xarunta gobolka Galgaduud, Waa magaalo qadiimi ah, Waxa ay nasiib u yeelatay loolanka kooxo iska soo horjeeda oo isku haya awoodda gobolada dhexe.

Hadda waxaa gacanta ku haya maamulka Ahlu sunna, oo muddo halkaasi kula dagaalamay ururka Alshabaab, iyo ciidamada dowladda oo ay isku hayeen gacanta ku haynta Dusmo-reeb iyo deegaanada ku hareeraysan.

Shalay oo Talaado ah ayaan nasiib u yeeshay in aan ka soo dago garoonka diyaaradaha Guriceel oo qiyaastii 15km u jira magaalada, waxaana diyaarada nala saarnaa Xildhibaan  C/samad Macalin Maxamuud oo deegaanka u yimid arimo siyaasadeed.

Darawalkii Taksiga inoo waday ayaa cabsi badan ka muujinayey in qof Cadaado u socoda ay adag tahay inuu magaalada ka baxo, waxaan dareemay inaan soo galnay xero oodan.

Magaalada Guriceel kontoroolka laga soo galo si fudud ayaan uga gudubnay kadib markii darawalka ay garteen askartii goobta joogtay,  waxaan ku dagay hotel magaalada ku yaal oo aan ku sugayey gaarigii Cadaado inoo qaadi lahaa.

Guriceel waa Magaalo hormar badan sameeysay, dadkeedu waa dad farxad iyo soo dhaweyn leh, dadku ma jecla ka hadalka siyaaasada, waxaana suurta gal ah in maamulku ku xiraan hadii war Galmudug iyo dowladda federaalka lagaa maqlo, laakiinse dadku lama dhacsana siyaasada Ahlu sunna, waxa ay dareemayaan caburin, Soomaalida ayaa ku maahmaahda “Meyd maxaa u dambeeyey kan la sii sido”, in goobta caburin ka jirto waxaa daliil u ah Ugaaaska Beesha Ceyr Ugaas Xasan oo ah madaxa ugu sareeya dhaqanka deeganadaas ayaa u xayiran maamulka, kamana bixi karo Magaalada.

Dhanka kale Magaalada Guriceel way ka ganacsi iyo dad badan tahay Caasimadda Dusmo-reeb, waan xudunta Ahlu sunna, waana goobtii ay ka bilaabeen dagaalkii ay Alshabaab uga saareen deegaandaas.

Markii la gaaray galabtii bacdal casir ayaa waxaan soo raacnay gaarigii inoo qaadi lahaa Cadaado, oo ah halka aan u soconay-sababta aan Guriceel uga soo dagay ayaa ah diyaaradii Cadaado oo iga buuxsamay- Barta kontorool ee magaalada looga Baxo ayaan nala joojiyey, waxaa nala weydiiyey halka aan u socono, Baaritaan dheer iyo damiin waa nala soo fasaxay.

Baraha kontorool ee Magaalooyinka Guriceel iyo Dusmo-reeb ayaa waxaa tuban ciidamo fara badan, waxa ayna waardiye ka hayaan dhaqdhaqaaqa dadka u dhashay deegaankan in aysan ka qeyb galin shirarka Doorashada xildhibaanada Barlamaanka iyo Olaha doorashada oo ka bilowday Magaalada Cadaado, Ma ahan kaliya in dadku Cadaado u soo aadayaan ka qeyb galka shirka, ee waxaa kaloo jira dad uga faa’iideysanaya ganacsi inta howlaha doorashadu socoto.

Dusmo-reeb oo aan soo gaarnay maqribkii ayaa aad u bilic wanaagsaneyd, layrarka Cadceedda ku shaqeeya oo ku taxan hareeraha laamiga ayaa sare u qaaday quruxda Magaalada, Dusmo-reeb wax ay leedahay xarumo dowladeed oo qaar ka mid ah dib loo dayactiray, waxaana dadku danaynayaan Maamulka Galmudug u soo guuro Magaalada, inkasto Ahlu sunna oo ka talisa aysan ogaleyn arintaas inta laga xalinayo tabashadooda.

Maxay keenay dhibaatada deegaanka ka jira

  1. Madaxda Galmudug oo ka gaabiyey in ay si rasmi ah u xaliyaan arinta Ahlu sunna, oo ay dad badan qabaan hadii ay madaxdu dhab ka tahay.
  2. Ahlu sunna oo Madax furasho u heysta deegaanka si ay u gaaraan danta siyaasadeed ee ay leeyihiin.
  3.  Siyaasiyiin hurinaya xaalada cakiran, iyagoo danaynaya in ay jagooyin ku helaan.
  4. Wax garadka Deegaanka oo ku guul daraystay in ay ka madax banaanaadaan kooxaha is haya, deegaankoodana u tashadaan.

Gabagabadii qormadayda waxaan kula talin lahaa waxgaradka deegaanka in aan indhaha laga eegan arintan, ayna u istaagaan in aysan arintan faraha ka bixin, Marnaba deegaanku uma baahna dagaal ee waxa uu u baahan yahay wada hadal iyo is faham.

W/Qorey: Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Ceelhuur Online

F.G. Qoramadan waxaa leh webkan, hadii aad u baahan tahay inaad daabacdo fadlan xus xiga Ceelhuur Online.

Comments are closed.