Durbaba dadwayne bilaabay inay lacagahooda dib ugala baxaan Forex

Wararka Maanta

Dadkii lacagaha dhigtay shirkadaha Forex ee magaalada Muqdisho ayaa qaarkood bilaabay inay lacagahooda ka qaataan shirkadaasi, kadib dhacdooyin dhowr ah oo cabsi xooggan abuuray.

Xarumaha shirkadahan ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa saddexdii maalmood ee tagay,  waxaa buux dhaafiyay boqolaal dadweyne ah, kuwaasi oo doonaya inay helaan lacagihii ay u dhiibteen shirkadahaasi.

Go’aankii uu soo saaray Bankiga Dhexe ee dalka oo amray Bankiyada gaarka loo leeyahay inay xiraan akoonada shirkadaha Forex, ayaa la rumeysan yahay inuu sababay kalsooni darrada ku timid shacabka lacagaha dhigtay.

Maalmihii dhowaa ayaa waxaa usoo xoogeystay dadka ka cabanaya in loo been sheegay, iyadoo lacago badan looga qaatay inay helayaan faa’iido xad dhaaf ah, balse markii dambe aysan dhicin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax ogolaansho ah oo Bankiga uu u siiyey shirkadahan inay ka ganacsadaan sarrifka lacagaha, taasi oo ah shaqada Bankiga Dhexe inuu la socdo.

Mid ka mid ah dhalinyarada lacagta ku darsaday shirkad Forex, ayaa sheegay inuu si deg deg ah u dalbaday lacagtiisa inuu la baxo, maadaama uu sheegay inuu ka cabsaday in lagala goosto lacagtiisa.

Sharciga Shirkada Forex ee Muqdisho ka shaqeeya ayaa qaba qofka marka uu doono inuu la baxo lacagtiisa wuxuu sugayaa 10 cisho oo ka bilaabanaysa maalinta uu qoro warqada lacag la bixista.

Ganacsiga Forex ayaa horey loo sheegay inuusan bannaaneyn diin ahaa, sida ay fatwoodeen qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Culimada oo isugu timid masjidka Abuu Hurayra ee magaalada Muqdihso, ayaa shaaciyay xukunka dhinaca diinta ee dadka islaamka ah kaga aadan shirkaddahan ay sheegeen iney ku shaqeystan sarifka Online-ka ee Forex, waxaana ay tilmaameen inuu yahay ganacsi ku dahaaran ‘been abuur iyo ribo’ iyagoo usoo qaatay Axaadiith iyo Aayado kamid ah Quraanka Kariimka.