Doorashada Xubnaha Aqalka sare Hirshabeelle oo Jowhar ka socota

Wararka Maanta

doorasho-hirka4-7

Waxaa goor dhow soo dhamaatay tirinta cododka kursiga koowaad ee Xildhibaanka Aqalka sare u matalaya maamulka Hirshabeelle.

Cusmaan Axmed Macow ayaa noqday Xildhibaankii u horeeyay ee Aqalka sare u matalaya Maamulka Hirshabeelle, isagoo helay 73 cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdinuur Ibraahim Farey uu helay 24 cod, halka hal cod uu xumaaday.

Guddoomiyaha Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, isagoo sheegay in Cusmaan Axmed macow oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, uu yahay Xildhibaanka Aqalka sare.

Xildhibaanada Hirshabeelle ee codeynaya ayaa gaaraya 98 xildhibaan, waxaana tan iyo saaka socday kulamo iyo xod-xodasho ay la lahaayeen Musharaxiinta Aqalka sare.

Maamulka Hirshabeelle waxaa Aqalka sare ka soo gaartay 8 kursi, waxaana hadii maanta la doorta uu ku biirayaa maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland, iyo Koofur Galbeed oo soo gudbiyay, halka xubnaha Aqalka sare ee Somaliland ka imaanaya aan wali la soo dooran.

Xigasho: Jowhar.com

Comments are closed.