Doorashada 3 kursi oo Maanta ka dhacaysa Baydhabo

Wararka Maanta

Magaalada Baydhabo xarunta kumeelgaarka dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa maanta lagu qabanayaa doorashada sadex kursi oo ka banaan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta la dooranayo waxaa kala baneeyey Xuseen Cismaan Xuseen taliyihii hore ee hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Xuseen ayaa u tartamay Madaxweynaha Koofur Galbeed, isago ku guuldareystay, sidoo kale Kursigii Axmed Cabdulle Mayow (Cornel Ruush) oo geeriyooday iyo kursigii uu baneeyey Madaxwaynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ku sugan Baydhabo ayaa maamulaya hawsha doorashada oo goor dhaw bilaabanaysa, Telefeshinka Qarankuna toos u soo tabin doono.

Hadaba qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa ka socota magaaladaasi baydhabo ee xarunta gobolka Bay,iyadoo ay diyaar yihiin musharixiinta u tartamaysa buuxinta boosaskaasi.

Isha: Sonna