Dood uu qabtay Mac-hadka RAAS “Shirkii Garoowe Ka Dib , Soomaaliya maxaa xal u ah”

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Machadka Daraasaadka Siyaasadaa RAAS INSTITUTE ayaa xalay Hotelka Jaziira magaaladda caasimada Muqdisho wuxuu ku qabtay kulan Afur iyo Aragti Wadaag ah .

Kulankaas oo mowduuciisu ahaa “Shirkii Garoowe Ka Dib , Soomaaliya maxaa xal u ah ( What next for Somalia After Garowe Conference )” ayaa waxaa ka soo qayb galay , Siyaasiyiin ,Xildhibaano , Wax-garad , Haween , Dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada .

Doodaya ayaa waxay dhex taalay 
1. Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ah Xildhibaan Golaha Shacabka
2 .Prof Xasan Sheekh Cali oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Jaamacadda SIMAD ka culuumta siyaasadda
3 . Caasho Cabdullahi Siyaad oo ka socotay Ururadda Bulshada Rayidka
4. Xuseen Iidow Qaasim oo ah Xildhibaan golaha Shacabka .

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafa guray shirkii Garoowe ay iskugu tageen madaxda ugu saraysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulgoboleedyada , kaas oo wax badan la iska waydiiyay sababaha keenay khilaafka oo go’aan rasmiya looga soo saari waayay Shirka .

Intiisa badan kulan ayaa Su’aalo waxaa la waydiinayay masuuliyiinta fadhiday Panel-ka iyadoo ka soo qaybgalayaashuna ay aragtidooda talo iyo tusaale wixii ay hayaan laga dhagaysanayay .

Gaba-gaba kulan ayaa waxaa la isla meel dhigay in la isu tanaasulo iyadoona dowladda dhexe ee Federaalka iyo Madaxda Maamulgoboleeyada dalka ka jira talooyin wax ku oola loo soo jeediyay .

Gabagabadii waxaa kulankan kasoo baxay.

1. In Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleydayada ay isku tanaasulaan xal dhab ahna laga gaaro arimaha lisku hayo.
2. In xili hore ay cadaaato nooca doorashada Dalka iyo sida ay ku bilaabaneyso.
3. In kaalinta Haween ka ay ahaato mid muuqata, dhanka Doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta.
4. In Xisbiyada iyo Dowladda ay iska kaashadaan Arimaha waaweyn ee Dalka horyaalla, si loohelo WADAR OGOL.