Diyaarado Xalay Duqeeyey Duleedka Magaalada Kismaayo

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada hoose ee Koonfurta Somaliya ayaa sheegaya diyaarado dagaal inay Duqeyn ku asqeeyeen deegaanka Gaanjo-roon oo ku yaalo duleedka Magaalada Kismaayo.

Duqeyntaan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo aanan la aqoon dalka laga leeyahay, ayaa xalay Saqdii dhexe beegsaday Deegaankan oo la aaminsan yahay inay ku bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Wararka waxa ay sheegayaan in Duqeynta ay ka dhalatay Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Xubno Shabaabka ka tirsan oo lagu beegsaday Duqeynta.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu jiro Khasaare Shabaabka ka soo gaaray Duqeyntaasi, balse diiday inay bixiyaan macluumaadka ku aadan arimahaasi.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sidoo kale ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan Diyaaradaha Duqeynta fuliyay rasmi ahaan dalka laga leeyahay.

Deegaanka Gaano-roon, ayaa ku yaal duleedka Deegaanka Beerxaani, Beerxaani ayaa dhowr mar waxaa duqeyn ka fuliyay Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya oo beegsaday Xubno Shabaab ka tirsan.

Duqeyntaan ayaa ku soo aadeysa, xilli Shabaab Jimcihii meydadka askar Kenyan ah ay ku soo bandhigeen Magaalada Jilib.

Comments are closed.