Dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Dabley ku hubeysneed bastoolado ayaa Xalay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya waxa ay ku dileen Degmada Kaaraan ee gobolka banaadir.

Dilka Askariga ayaa ka dhacay xaafada Arjantiin ee katirsan Degmada Kaaraan,waxaana la tilmaamay Xiliga Askariga la tooganayay inuu Saarnaa Mooto Bajaaj sida ay Xaqiijiyeen ilo ka mid ah Dadka Degaanka.

Dableydii Dilka ka dambeysay ayaa la sheegay in ay horay u soo qateen Qorigii uu watay Askariga,kadibna goobta iskaga baxsaday.

Ciidamo la tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray haka uu dilka ka dhacay,waxaana ayna goobta dilka ka dhacay ay ka sameyeen howlgal kooban,inkasto Aysan ciidamadu qofna u soo qaban dilka Askariga.

Laamaha Amniga iyo Maamulka degmada kaaraan, wali kama aysan hadlin dilka xalay ka dhacay Degmada kaaraan ee gobolka banaadir.

Ma jirto Cid sheegatay dilka Askariga,hayeeshe waxaa inta badan dilka ka dhaca Muqdisho iyo Degaanada ee Dalka, Dusha looga tuura iney ka dambeyaan Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo Dagaal Kula jira Dowladda Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.