Wararkii ugu dambeeyey Shirka Garoowe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyada ee ka socda Magaalada Garoowe Caasimadda Maamulka Puntland ayaa galay maalintiisii saddexaad, Madaxda ayaa isku mari la’ qaar ka mid ah qodobada ajendaha shirka.

Qodobada ajendaha shirka

  1. Dib u soo celinta Madashii hoggaamiyaasha
  2. Xal u helidda Khilaafka Xaaf iyo Dowladda Dhexe
  3. Dib u eegis hindiso Sharciyeedyada Batroolka iyo Doorashada
  4. Qeybsiga Deeqaha Gudaha iyo Dibadda.

Shirkii Xalay ee dhexmaray Madaxda Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul goboleedyada ayaa inta aan la gelin doodii qodobada ayaa  Axmed Ducaale Xaaf shardi soojeediyey in marka hore laga hadlo Khilaafka isaga iyo Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweyne Farmaajo ayaa balanqaaday in kulan gaar ah la qaadan doono Xaaf, si uu ugala hadlo arinta khilaafka ka dhaxeeya Xaaf iyo Madaxda Dowladda. waxaana intaas kadib loo gudbay in laga dooda qodobada miiska saarnaa.

Barqanimadii maanta ayaa kulankii loo madlanaa uu dhexmaray Xaaf iyo Farmaajo, kulankaas ayaa Madaxweyne Farmaajo soo bandhigay in Dowladdu diyaar u tahay in xal dhexe loo lagu maareeyo arinta Galmudug, balse Xaaf ayaa ka biyo diiday soojeedintaas, isagoo shardi ka dhigay in marka hore Dowladdu aqoonsato dastuurkii lagu ansixiyey Dhuusamareeb. ugu dambeeyey muddo ku dhow laba saac oo uu socday shirkaas ayuu ku soo dhamaaday fashil, kadib markii labada masuul isku mari waayeen.

Shirkaas kadib ayaa waxaa la guda galay kulan u dhaxeeya Madaxda Dowladda Dhexe iyo Dowlad goboleedyada, inkastoo shirkaas uu isna fashilmay kadib markii uu shirka ka baxay Axmed Ducaale Xaaf, isagoo ka gadoodsan in ay is afgaran waayeen Farmaajo. Caawa ayaa sidoo kale Madaxdu yeelan doonaan shirkii maanta ka baaqday, waxaana la filayaa in horey loo galo qodobada kale.

Shirka Garoowe ayaa qaatay waqti ka badan intii la filayey, iyadoon laga gungaarin qodobadii muhiimka ah. Dowladda Federaalka ayaa isku dayaysa in kala dhantaasho awoodda maamul goboleedyada, waxaana difaac adag ugu jira xulufada uu hogaaminayo Saciid Deni.