Deg Deg: Dil ka dhacay Baledwayne

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow dil uu ka dhacay halkaasi

Rag la sheegay inay hubeysnaayeen ayaa Xaafada Howl-Wadaag waxa ay ku dileen Sarkaalka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Cumar Cabdi Mahad.

Qof ku sugan Baladweyne ayaa sheegay in Sarkaalka xilliga la dilayay uu ka yimid hoygiisa,islamarkaana uu ku wajahnaa Fariisin ay leeyihiin Ciidamada Millateriga,hayeeshee lagu dilay agagaarka Iskuulka horseed ee Magaalda Baladweyne.

Raggii ka dambeeyey dilka ayaa durba Goobta ka baxsaday,waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Baladweyne,kuwaas oo goobta ka qaaday meydka Sarkaalka lagu dilay Magaalada Baladweyne.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda iyo wiil Arday ahaa oo la socday.