DEG DEG: Ciidamada Amisom Iyo Al-Shabaab Oo Madaafiic Isweeydaarsaday

Wararka Maanta

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Amisom iyo kuwa Al-Shabaab ay Tiro Madaafiic ah isku weydaarsadeeen Gudaha Magaalada Baladweyne.

Madaafiicdaan ayaa ku dhaceysa Xaafada HowlWadaag ee Galbeedka Baladweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ee Nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.

Weli macada khasaaraha ka dhashay weerarkaas madaafiicda ah ee dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada Amisom,balse Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dad Rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartay.

Maamulka Magaalada Baladweyne ayaa xiriir aan la sameynay diiday in uu ka hadlo Madaafiicda ay Galbeedka Baladweyne isku weeydaarsadeen Ciidamada Amisom iyo kuwa Jabuuti