Dayax Madoobaad Caawa laga arki doono Soomaaliya

Wararka Maanta

Meelo badan oo ka mid ah Caalamka ayaa lagu waddaa in caawa laga arko dayax Madoobaad sidda ay shaaciyeen Hay’addaha la socda Arrimaha Saadaasha.

Meelahaasi ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya , waxaana ay sheegeen Dayax Madoobaadka Caawa ee Muqdisho waxaa uu socon doono 54 daqiiqo oo ka billaabata 6:14 Daqiiqo kuna eg 7:8 Daqiiqo ee fiidkii.

Dadka Soomaaliyeed oo ah Muslimiin ayaa waxa ay sameeyeen Markii ay dhacdo in Dayax Madoobaado in ay  dukaddaan Salaadaha Khusuufka iyo Kusuufka.

Dayaxu waxa uu ku wareegaa dhulka, Dhulkana waxaa ku wareegaa Qoraxda, Markii muda’lajoogaba waxa dhacda in qoraxda oo sideedii caadada u ahayd ku jirta wareegeeda inuu soo dhexgalo dayax madoobaad siddaasi waxaa sheega dadka bartay Cilmiga Sayniska.