4 Qof oo ku dhintay is rasaasayn ka dhacday Baydhabo

Wararka Maanta

Ku dhowaad afar ruux ayaa ku geeriyootey inka badan sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii goob gargaar raashin ah loogu qeybinayay dad dan yar ah gudaha magaalada Baydhabo isku rasaaseeyeen ciidamo ka wada tirsan maamulka koonfur Galbeed.

Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa la geeyey afar dhimasha ah oo mid haweeney ay tahay halka sagaal kale oo dhaawacyo kala duwan qabana isbitaalka lagu daaweynayo.

Is rasaaseynta ciidamada ayaa ku badan goobaha gargaarka laga qeybinayo, waxaana inta badan isku dhaca keena in ciidamada ilaalada ka haya isku dhacaan ciidamo kale oo isku daya inay dhacaan raashinka gargaarka, dadka rayidka ayay soo gaartaa waxyeelada ugu badan.