Danjire Afey oo loo magacaabay Ergeyga Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga Soomaaliya

Wararka Maanta

Qaramada Midoobey ayaa markii u horeysay Ergey gaar ah u magacawday Arrimaha Qaxootiga Soomaaliya, si loo hubiyo ammaanka qaxootiga, xilli kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen dowladda Kenya inay dooneyso in si qasab ah ku xirto xerada qaxootiga ugu weyn Caalamka ee Dadaab.

Danjire Maxamed Cabdi Afey oo hada haya xilka Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ayaa loo magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Soomaaliya, isagoo ka shaqeyn doono dadaalka dib u celinta qaxootiga iyo xal u helida magangalyada dadka qaxootiga heer qaran iyo heer gobolba.

Mr Afey ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona sidii dadka dib loogu celinayo Soomaaliya loogu abuuri lahaa mashaariic horumarineed.

Illaa 31 kun oo qaxooti ayaa si iskood dib ugu laabtay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2014, waxaase jira walaac laga qabo qorshaha Kenya ku dooneyso inay dadkaas si qasab ah ku celiso.

Kenya ayaa bishii May ee sanadkan ku dhawaaqday inay xiri doonto xerada Dadaab, kadib markii ay sheegeen in weerarada argagixiso ee gudaha dalkeeda ka dhaca laga soo ababaulo xeradaas.

Comments are closed.