Danilo Oo Jeclaan Lahaa Inuu Ku soo Dhaweeyo Lionel Messi Kooxda Manchester City

Ciyaaraha

Xiddiga reer Argentine ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Etihad Stadium, xiddigii hore ee Real Madrid ayaana qirtay inuu noqon doono guul weyn

Daafaca Manchester City Danilo ayaa soo dhaweyn doona imaanshaha Lionel Messi ee garoonka Etihad Stadium, isagoo qirtay inuu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro .

Warar xan ah oo la xiriirinaya tababaraha City Pep Guardiola inuu ku soo laabtay bilihii ugu dambeeyay xiisaha uu u qabay xidigiisii hore ee  Barcelona

Madaxweynaha Barcelona, ​​Josep Maria Bartomeu, ayaa sheegay in Messi uu horey u saxiixay qandaraas cusub, laakiin ciyaaryahankii hore ee Real Madrid Danilo ayaa ku faraxsan inuu arko inuu u wareegayo Manchester.

Inkastoo uu waqti ku qaatay inuu ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo waqtigiisii Santiago Bernabeu, Danilo ayaa u arka ninka reer Argentine ciyaartoyga dunida ugu fiican.

Danilo ayaa City kaga soo biiray Madrid xagaagan suuqa kala iibsiga, waxaana uu u ciyaaray sagaal kulan tartamada oo dhan ilaa iyo haatan iyagoo shan dhibcood ku haya hogaanka Premier League.

Ka dib markii uu ku guuleystay Champions League iyo horyaalka La Liga intii uu la joogay kooxda macalin  Zinedine Zidane xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, Danilo ayaa ku faraxsan inuu la shaqeeyo magac kale oo weyn.

“Zidane iyo Guardiola waa labo macalin weyn,” ayuu yiri Danilo. “Zidane xiriir fiican ayaan la lahaa intii lagu jiray labadii sanno ee aan joogay Madrid, waxaana haatan haystaa Guardiola.