Daawo:Jaaliyada Galmudug ee finland oo deeq gaarsiisay dad abaaro kusaameeyeen degmada baxdo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

deeqdaan oo katimid (kaaho siyaad xirsi iyo,salaado maxamad cusmaan) oo katirsan jaaliyada galmudug ee dalka finland ayaa lacag dhan 1,226$(kun labo boqol labaatan iyo lixd dollar) waxay ugu bdeeqeen dadka abaaruhu kuhabsadeen ee kunool degmada baxdo

lacagtaani ayaa waxaa dadka ay abaartu saameysay ee kunool duleedka degmada baxdo ee gobolka galgaduud loogu gaday raashinka nuucyadiisa kala gadisan sida bur,bariis,saliid,iyo dawo maadaama dadka qaar ay xanuuno qabaan islamarkaana sirasmi ah loogu qeybiyay

dadka abaartu saameysay ee kunool duleedka xero kutaalada degmada baxdo ayaa sidookele waxaa heysata caafimaad daro baahsan caruurta yar yar ayaa xanuuno kala gadisan la il daran xilligaan mana jirto deeq rasmi ah oo katimid maamulka galmudug oo dadkaasi lagaarsiisay

hasa yeeshee deeqdaan ay soo dhiibeen gabdhahaan soomaaliyee ee kunool dalka Finland ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee dadkaasi lagaarsiiyo

gabdha deqdaan soo dhiibay ayaa waxaa kamida kaaho siyaad xirsi iyo salaado maxamad cusmaan oo katirsan jaaliyada galmudug ee dalka Finland

dadkaani ayaa markoodii hore kasoo barakacy deeganka dumaaye oo ay kudagaalameen xarakada alshaab islamarkaana alshabaab ay gubeen guryahoodi iyo xoolahoodi waxaana taasi ay kuqasabtay in ay isaga soobarakaan deegaankoodi dumaaye islamrkaana ay barakac kunoqdaan degmada baxdo

inta badan deegaanada galmudug ayaa xiligaan waxaa kajira abaaro aad ubaahsan deeganada qaar heerka abaarta ayaa gartay in dadku isdaldalaan waxaan yar gurmadka loo fidinayo dadkaasi abaartu saameysay.

HALKAAN KADAAWO MUUQAALKA IYO SAWIRADA DEEQDA

DSC09857 DSC09858 DSC09859 DSC09860 DSC09861 DSC09862 DSC09866 DSC09867 DSC09868 DSC09869 DSC09870