Dab ka kacay Suuqa Buuloxuubeey

Uncategorized Wararka Maanta

Wararka aan ka helayno xaafada Buula-xuubey ee Degmada Wadajir gaar ahaan Guri Villa ah oo ka soo horjeeda suuqa Buula-xuubey  ayaa goor dhow waxaa ka kacay Dab xoogan, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan kooxda Dab damiska.

Koox ka trisan Gaadiidka Dab damiska Gobolka Banaadir oo ka baxay xaruntooda ayaa waxa ay gaareen goobta uu dabka kacay, si ay u damiyaan dabka, sidoo kalena ay uga hortagaan in dabka uu ku faafo dhismayaasha kale ee ka akdhow Gurigaasi.

Ciidanka ammaanka Degmada Wadajir ayaa dadka ku amraya in ay ka fogaadaan Guriga gubanaya, si aanay u dhicin khasaare kale, waxaana Ciidamada ay xireen Agagaarka goobta uu Dabka ka kacay.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga khasaarah dhabta ah ee ka dhashay Dabkan ka kacay xaafada Buula-xuubey ee Degmada Wadajir gaar ahaan Guri Villa ah oo ka soo horjeeda suuqa Buula-xuubey.

Maalmahan Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badnayay Dabka ka kacaya Guryaha, Suuqyada iyo xarumaha Ganacsi ee gaarka loo leeyahay, waxaana Maamulka Gobolka Banaadir ay sheegeen in ay wax ka qabanayaan arrintan