Daawo: Shirka Haweenka ee ka qeybgalka Siyaasadda Dalka oo Cadaado ka furmay

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirka wadatashiga Haweenka Soomaaliyeed oo lagu doonaayo xaqiijinta 30% ka qeybgalka Haweenka Siyaasada Dalka Doorashada 2016 ayaa maanta ka furmay Magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee Galmudug.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Wasaaradda Haweenka Galmudug iyo Ururka SWLI (Somali Women Leadership Initiative), waxaana ka soo qeybgalay Qaar ka mid ah wasiirada Galmdug, Xubno ka socday Haweenka Dowlad goboleedka Galmdug.

Shirkan ayaa ka furmay Hotel Central Magaalada Cadaado, Waxaana goobta ka hadashay Marwo Aadan Amiin oo ka socotay Ururka SWLI, waxa ayna sheegtay in ay ku dadaalayaan xaqiijinta qoondada haweenka ee matalaada siyaasadda dalka.

Shirkan ayaa waxaa daahfuray wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Dowlad goboleedka Galmudug Marwo Zahro Cabdi Colaad, waxa ayna sheegtay in culeyska ugu badan ka heysto odayaasha dhaqanka, ayna ku dadaali doonaan sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadahaas.

3 thoughts on “Daawo: Shirka Haweenka ee ka qeybgalka Siyaasadda Dalka oo Cadaado ka furmay

Comments are closed.