DAAWO SAWIRADA: Gaari ku Qarxay xaafada Seybiyaano ee magaalada muqdisho

Wararka Maanta

Waxaa faahin dheeraad ah ay ka soo baxayaan Gaari ku Qarxay xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Gaarigan ayaa la sheegay in uu watay Qof shacab ah, kaas oo yaallay goob Goomiiste ah, waxaana ku dhaawacantay ilaa iyo 4 Qof oo shacab ah.

Qaraxan ayaa la sheegay in si weyn looga maqlay Agagaarka goobta uu ka dhacay sida Dadka Deegaanka ay Idaacadda Risaala u sheegeen.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxan ayaa loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho, kuwaas oo labo ka mid ah ahaa Haween.

Gawaarida Dab damiska ayaa gaaray goobta uu ku Qarxay Gaariga, waxaana ay ku guuleysteen Daminta Gaariga Qarxay.

Ciidanka Amaanka iyo Maamulka Degmada ayaa waxa ay gaareen goobta uu ku Qarxay Gaariga, iyagoo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan Qaxaxan ka dhacay xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan.

1w 2w 3w 4w 5w

1 thought on “DAAWO SAWIRADA: Gaari ku Qarxay xaafada Seybiyaano ee magaalada muqdisho

Comments are closed.