Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir , Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kale ayaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado, Waxaana si diiran u soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Qeybaha Bulshada.
Madaxda maanta soo gaartay Cadaado ayaa saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Cadaado, waxa ayna ka hadleen arimo xasaasi ah. halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Soo dhaweynta iyo shirka jaraa’id.