Daawo: Dhismaha isbitaalka Baxdo oo meel fiican maraya

Wararka Maanta

Dhismaha Isbitaalka Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa meel fiican maraya, waxaana bulshada magaaladu dhexda u xiratay sidii ay u dhisan lahaayeen isbitaal weyn oo haqabtira baahidooda. Dhawaan waxaa halkaas booqasho ku tagay masuuliyiin HAYAT  Foundation.

Bulshada Baxdo ayaa wada dadaal ay ku dhisanayaan xarumaha adeegga asaasiga ah sida Saldhig boolis, xarunta degmada, isbitaal weyn iyo xarunta Jaamacad. waxaana horey ugu dhisnaa laba iskool (Hoose/dhexe iyo Sare) iyo Xarunta MCH.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa. share garee.