Warbixin:Muslimiinta Lagu Xasuuqayo Burma waa Dad Caynkee ah?

Wararka Maanta

Sida qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ay baahinayeen maalmahii la soo dhaafey waxaa aad iyo aad u sii xumaanayey xaalada ay ku sugan yahiin dadka muslimiinta ah ee kasoo jeeda Qowmiyadda loo yaqaano Rohingya oo ku nool Wadanka Burma.

Taariikhda iyo halka ay ku nool yahiin dadkan muslimiinta ah ee Rohingya hadii aanu dib u jaleecno waxaa la yiraahdaa Myanmar oo waagii hore loo aqoon jirey wadanka Burma waana dal ku yaala khaarada Aasiya waxaana uu xuduud la leeyahay wadamada: Bangladesh, Shiinaha, Thailand, Hindiya iyo dalal kale, waana wadan dadka degan ay heystaan diinta budhistaha boqolkiiba sagaashan.

Qowmiyada la yiraahdo Rohingya waa dad lagu qiyaasay ilaa iyo malyan iyo bar qof waana dad muslimniin ah, wadankana waxay ka yihiin boqolkiiba 10 taas micnaheedu waa dad laga tira badanyahay waxaana ka badan budistaha oo ka ah wadanka Myanmar boqolkiiba sagaashan.

Dadkan waa dad dal la’aan ah sababta oo ah dowlada wadanka ka jirta iyo dadkeedaba ma aaminsana in dadkaanu ay yihiin dad wadanka u dhashay waxayna u aaminsanyihiin in ay kasoo haajireen dalka Bangladesh oo deris la ah.

Qowmiyadan Rohingya ah  markii iyaga la weydiiyo in ay dalka Burma u dhasheen iyo inkale waxa ay sheegaan in kumanaan sano ay halkaas deganaayeen laakiin inta la hubo dadkaanu waxay deganaayeen wadankaas in ka badan 200, oo sano.

Dowlad militeriga ay hogaamin jireen oo mudo dheer ka jirtay dalka Burma ama Myanmar uma ogolayn in ay wax dhalasho ah siiso, shaqeystaan, ama ay wax bartaan. Qowmiyadan Rohingya Waxa kaliya oo loo ogolyahay ayaa ah in ay sidii qaxooti xeryo ku noolaadaan. Waxayn dowladu ku xareysay xeryo qaxooti.

Dhibaatooyinka tirada badan ee Qowmiyadan Rohingya lagu haayo waxaa ka mid ah hadii ay xanuunsadaan isma daaweyn karaan, hadii qof iyaga ka mid ah uu geeriyoodo ma duugi karaan, iyaga oo aan dowlada fasax ka heysan. dowladduna wax kasta lacag ayey ku dooneysaa xataa hadii aad xabsiga ku jirto cunto laguma siinaya ilaa laaluush lagaa dhiibo.

Dadkaani dhul ama hanti ma yeelan karaan, qasab ayaana loogu shaqeystaa, waa la kufsadaa dumarkooda, waana la dilaa, dowlada Burma ee wadankaas ka talisa iyo shacabka uma kala roona oo cadaawad ayey u qabaan Qowmiyadan Rohingya waxayna u heystaan in ay yihiin dad ajnabi ah.

Umaddaas muslimiinta ah ee ku nool dalka Burma waxaa sharci loo ogolyahay oo kali ah hadii ay qirtaan in ay ajnabi yihiin oo aysan wadanka u dhalan taas oo hadii ay dhacdo in ay aqbalaan keeni karta in waqtigii loo baahdo la iska ceyrin karo.

Dadkaasi masaakiinta ah wadankooda waa kasoo Qaxayeen iyadoo qaxaas uu bilawday Sannadkii 2012-kii kadib markii ay isku dheceen muslimiinta iyo budiistaha kadibna muslimiintii ayaa la xasuuqey iyadoo guryahana lagu gubey, waxayna markaas danta ku qasabtay in maadaama aysan wadankii ku dhex carari Karin lagana badanyahay in ay dhinaca badda dooman mac mal ah ay ku qaxaan si ay nabad gelyo uga helaan wadamada kale ee deriska ah.

Sida la ogyahay maanta muslimiintu caalamka ku nool waxa ay ka badan yihiin 2 bilyan oo qof, waxayna leeyihiin in ka badan 50 wadan dalalka khaliijka carabtana waxey ka mid yahiin kuwa ugu hodonsan ama ugu taajirsan dunida maanta laakiin hal milyan qof oo muslimiinta Qowmiyada Rohingya ah uma hayaan meel ay dejiyaan iyo wax kale oo ay taraan waxaana tusaale loo soo qaadan karaa in dalka Indonesiya oo ah wadan muslim ah dhaqaalahiisan uu soo kobcayo ayna ku nool yahiin in ka badan 240 milyan oo muslimiin ah waxa ay qaabili waayeen 145 kun  qaxootiga ah dadka muslimiinta Rohingya ah taas oo ceeb ku ah dhamaan muslimiinta.

Ugu dambayntii dhibaatooyinkaas baaxada leh ee lagu hayo dadkaas muslimiinta ah hogaamiyaha keliya ee u danqaday sheegayna inuu wax u qabanayo intii awoodiisa ah waa Madaxweynaha dalka Turkiga. Erdogan

W/Q:Colombo

Ceelhuuronline