C/kariim Guuleed oo dib ugu soo laabtay Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Cadaado, Guuleed ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya xubnaha aqalka sare ee dhawaan la doortay, Wafdigan ayaa ka qeybgalay doorshadii Madaxweynaha Hirshabeelle  oo shalay ka dhacday Magaalada Jowhar.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin sare, Madaxweynaha ayaa markale hambalyo u diray madaxweynaha Hirshebelle Cali Cabdulahi Cosoble iyo Ku xigeenkiisa Cali Guudlawe, Waxa uuna ugu baaqay ugaas xasan ugaas  Khaliif in uu taageero Maamulka Hirshabeelle uuna garab istaago.

Guuleeda ayaa yiri : “waxaan ognahay in Ugaas Xasan uu yahay ugaaska ugu facaweyna ugaasyada soomaliyeed ahna nin aad u qiima badan maantana looga bahanayahay in uu tageero maamulkaas lagana shaqeeyo midnimada shacabaka labada Gobol”.
20161018_092107 20161018_092119 20161018_092127 20161018_092135 20161018_092153 20161018_094942 20161018_095137