Ciidamo gadoodsan ayaa saaka jidgooyo dhigtay duleed magaalada Godinlabe, ciidamadan u abaabulan hab beeleed ayaa wata ilaa 5 gaari oo tikniko ah, waxa ayna qaar kamid ah ciidankaan horey u waardiyeynayeen madaxtooyada Galmudug magaalada Cadaado, iyagoo todobaad ka hor isaga baxay madaxtooyada.
Ciidamadan ayaa waxaa horboodaya C/qaadir Afweyne, waxaana ilo xog-ogaal ah inoo xaqiijiyeen in ujeedada jidgooyadan ay u dhigteen ay tahay arimo muran siyaasadeed la xariira xildhibaanada la filayo in lagu doorto magaalada Cadaado.
Abaabulkan ayaa la sheegayaa in ay ka dambeeyaan siyaasiyiin doonaya xildhibaanimo, waxaana maalmahaan magaalada Cadaado ka socday shirar ay yeelanayaan musharixiin u tartamaya xildhibaanimada Aqalada sare iyo hoose ee Barlamaanka cusub Soomaaliya.
Ilaa hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo Bar kontorool oo canshuurta lagu qaado ku lahaa Duleedka Godinlabe, oo ay ciidamada gadoodsan dul dageen.
Wixii kusoo kordha kala soco Ceelhuur Online.
Www.ceelhuur.net
Www.ceelhuur.com