Galmudug oo sheegatay in ay dhisayso Ciidamada Qalabka sida

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa sheegay in Maamulkooda uu shaqeynayo dhismaha Ciidamada Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay xooga saarayaan sidii loo qalabeyn lahaa Ciidamada Galmudug isla markaana ay ka shaqeynayaan hormarinta Ciidamada Kala duwan ee Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in Ciidamada Galmudug marka la qalabeeyo ay ka shaqeyn doonaan sidii loo Xasilin lahaa degaanada Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay dhawaan bilaaban dooonaan wada hadalada Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna isla markaana si wadajir ah loogu shaqeeyo sidii xal dhab ah looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya.