RW xasan cali khayre oo dhuusamareeb ku wajahan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo qaban qaabo lagu soo dhoweynayo ay ka socoto magaalada. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay inay dhowr arrimood la xiriirto, sida fulinta heshiiskii dowladda Federaalka iyo Ahlusuna […]

Continue Reading

Al-shabaab oo mudo kordhin usameeyay ergadii soo dooratay xildhibaanada federaalka

Ururka Al-Shabaab ayaa ku kordhiyay muddo toban maalmood ah xilligii ay isku soo diiwaan gelinayaan oday dhaqameedyada iyo ergooyinka soo doortay xildhibaanada federalka. Sida ay daabaceen warbaahinta taageerta Al-shabaab mudadii loo qabtay ergooyinka oo ahayd 45 cisho ayaa ku ekeyd shalay oo Axad aheyd , taariikhduna ku beegneed 01/1/1441 balse Xarakada Al-Shabaab ayaa go’aamisay in […]

Continue Reading

Jubbaland & DFS oo siyaabo kala duwan uga hadlay xariga Wasiir Janan

Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay in ay Sabtidii shalay xabsiga dhigeen wasiirka Amniga Jubaland oo sida ay sheegeen ku eedaysan dembiyo culus balse aysan faahfaahin. Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay shalay soo xireen eedaysane C/Rashiid Xassan Nuur (Janan) oo ku eedaysan dembiyo culus […]

Continue Reading

Dowladda oo Xamar ka qaaday Ergadii beesha Saleebaan

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya diyaarad ku geysay ergo ka socota beesha Saleebaan. Ergadan ayaa waxa ay ka qaybgalayaan shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ee dhawaan ka furmaya magaalada dhuusamareb. wararka ay ceelhuur online ka helayso dhuusamareeb ayaa sheegaya in ergadaan diyaarado looga soo daabulay magaalada muqdisho balse […]

Continue Reading

Buulo-burte oo gole deegaan yeelanaysa

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xariga ka jaray Munaasabada dhismaha Golaha deegaanka degmada Buulo Burte. Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Buulo Burte, isagoo dib ugu soo laabtay Muqdisho. Labadii cisho ee uu joogay Buulo Burte ayuu xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo maamulka hirgeliyay, isagoo dhagax […]

Continue Reading

Al-bashiirkii suudaan oo markale maxkamad lasoo taagay

Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashir ayaa ka hor qirtey maxkamad la soo taagay maanta inuu ka helay lacag gaareysa 25 Malyan oo dollar dhaxal sugaha Sacudi Carabiya Amir Maxamed Bin Salman. 75-jirkan la afgambiyay bishii April ee sanadkan ayaa  ku eedeysan dambiyo ay ka mid yihiin haysashada lacago qalaad iyo weliba musuqmaasuq. Dambiyada […]

Continue Reading

Wasiirkii amniga jubaland oo lagu xiray garoonka diyaaradaha muqdisho

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay ceelhuur online ayaa sheegaya in Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan lagu xiray garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Soomaaliya ay xireen, xilli uu ka yimid Kismaayo, isla markaana uu Transit ku ahaa Garoonka Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa. C/rashiid Janan ayaa loo heystaa […]

Continue Reading

Midowga yurub oo maalgalinaya dhismaha wadooyinka muqdisho iyo berbera

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo midaWga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed ee Eng. Yariisow oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Mashruuca Eng Yariisow […]

Continue Reading