Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashir ayaa ka hor qirtey maxkamad la soo taagay maanta inuu ka helay lacag gaareysa 25 Malyan oo dollar dhaxal sugaha Sacudi Carabiya Amir Maxamed Bin Salman.
75-jirkan la afgambiyay bishii April ee sanadkan ayaa ku eedeysan dambiyo ay ka mid yihiin haysashada lacago qalaad iyo weliba musuqmaasuq.
Dambiyada loo haysto Bashir ayaa maxkamada ku xukumi kartaa xabsi ka badan toban sano.
Isagoo ku dhex jira qafis bir ka sameysan ayuu al-Bashir waxa uu sheegay in lacagta uu isticmaalayay samafal balse uusan si gaar ah u isticmaalayn.
Madaxweynihii hore ee Sudan Al-Bashir ayaa ka sheegay maxkamada in lacagta lagu keenay diyaarad gaar ah si aan loo ogaan cidda soo direysa.
“Shan malyan oo dollar waxaan siiyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran,afar malyana Jaamacad halka labo malyan oo dollarna aan ugu deeqay isbitaal.”ayuu yiri al-Bashir.
Hase yeeshee al-Bashir ayaa u sheegay inuusan hayn wax qoraal ah oo ah habka uu ku bixiyay lacagta.
“Ma dooneyn inaan ka careysiiyo dowlad aan saaxibo nahay waxana uu amiirku ii sheegay in lacagta sida aan doono aan u isticmaali