Jawaabta Koowaad ee Soomaaliya… W/Q: Yusuf Garaad

Afar qareen oo caalami ah ayaa maanta bixiyay Jawaabta Soomaaliye ee ku wajahan diidmada Kenya ay dooneyso in ay isku hortaagto in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay gasho kiiska muranka soohdinta badeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa xusuus mudan in ay dacwadda badda ay marka hore Makxmadda u gudbisay Soomaaliya oo dalbtay in ay […]

Continue Reading

Cumar C/rashiid oo Garowe u tagaya si uu taageero uga helo Puntland

Cumar Cabdirashiid R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maanta gaaro magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasoo uu doonayo inuu ka bilaabo ololihiisa tartanka doorashada, isagoo taageero uga raadinaya Maamulka Puntland. Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa maanta ka socota magaalada Garowe, waxaana mas’uuliyiin iyo dadweyne soo dhoweynaya ay ku sugan […]

Continue Reading

Sawirro: Galmudug oo gaadiidleyda u qabatay in 10 Maalmood ay ku qaataan Taarikada Cusub

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado kaga dhawaaqay in muddo ku siman toban maalin kadib deegaanadooda aysan ka shaqeyn Karin gaadiid aan wadan taariko cusub oo uu maamulku maanta soo bandhigay. Kulan lagu daah furayay qorshahani oo ay soo diyaarisay wasaaradda gaadiidka dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Maxamed […]

Continue Reading

Soomaaliya ma aqoonsana Heshiiskii 2009

Todabaadkaan oo billaabanaya 19-ka September 2016, dowladda Soomaaliya waxaa ay soo-jeedin afka ah ka samayn doontaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (Maxkamadda) ee magaalada Heague, dalka Netherlands, taasoo qeyb ka ah diidmada hordhaca ah ee 7-dii October 2015 ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Kenya (dowladda Kenya), ee ka dhanka ah kiiska calaamadaynta soohdinta badda ee Jamhuuriyadda […]

Continue Reading

Waxaan La Hadlayaa!! W/Q; Maxamed Axmed Cali

Waxaan la hadlayaa Hooyada wiilasheedu jiifaan xabsiyada Liibiya, Hindiya, iyo Godka jilacow, ee la yiri “wuu tahriibay”, “waa burcad badeed”, iyo “waa argagixiso”, raadiyahana ka maqleysa “waa la xukumay”. Waxaan la hadlayaa gabadha labada cunug haysata ee aabbahood qaraxa lagu dilay. Waxaan la hadlayaa wiilka xoogga furan, daacadda ah, wax bartay, niyadda wanaagsan, laakin, hoos […]

Continue Reading

Daawo: Baroordiiq Cadaado loogu sameeyey Jeneraal Goobaale

Munaasabad baroordiiq ah ayaa maanta Magaalada Cadaado loogu sameeyey Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Rooble Jimcaale Gooble oo shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Wasiiro, xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo madax kale, Madasha ayay ka soo qeybgalayaashii ka jeediyeen Tacsi, waxaan goobta ka aqriyey taariikha jeneraalka […]

Continue Reading

Maxkamadda Cadaalada oo Kenya dhageysatay.. W/Q: Yusuf Garaad

Maanta ayuu Hague ka furmay dhegeysiga diidmo ay Kenya ka keentay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ. Kenya waxaa ay qabtaa in aan Maxkaddu gelin dacwadda iyada oo ku adkeysaneysa in Soomaaliya iyo Kenya ay Is-Afgarad kala saxiixdeen 2009. Kaas oo labada dal ay ku heshiyyeen, sida ay Kenya u […]

Continue Reading

Taariikh Nololeedka Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale

Allaha u naxariistee Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale, Hooyadiis  Waxaa lagu magacabaa Muumino Maxamed Yuusuf Shiikhow, waxa uu ku dhashay deegaanka Dabagalo ee degmada Xarardheere gobolka Mudug sanadkii 1957 kii. Waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe ku qaatay degmada Sablaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, halka waxbarashadiisa dugsiga sare ku qaatay Magaalada Muqdisho sanadkii 1975 kii. Jeneraal Goobaale waxa uu […]

Continue Reading

Sawirro: Jeneraal Goobaale oo Aas qaran loogu sameeyey Muqdisho.

Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho Marxuum Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale, Marxuumka ayaa salaadii janaasadu lagula tukaday Masaajidka Madaxtooyada, waxaana janaasada ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Galmudug C/kariim Guuleed, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Wasiirka Arimaha Gudaha DFS C/raxmaan Odawaa, Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir […]

Continue Reading

Madaxweyne Xasan :" Kama tanaasuleyno Hal Taako oo ka mid ah Badda Soomaaliya"

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay marnaba ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah Badda Soomaaliyeed in la qaato, iyadoo maanta oo isniin ah Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda magaalada Hague ka bilaaban doonto dhageysiga Dacwada u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya. Madaxwene Xasan Sheekh ayaa sheegay kalsooni badan ku qabaan inay […]

Continue Reading