Ehelada bukaan ku dhex geeriyooday xabsiga dhexe oo diidan in la aaso meydka wiilkooda

Ehelada Xasan Kurtun ayaa ku eedeeynaya taliyaha xabsiga dhexe in wiilkooda uu u geeriyooday dayacaad uu sababteeda lahaa taliyaha. Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Sarreeye Guuto Maxamed Shiikh Xirsiile ayaa lagu eedeeyey in uu Isbitaalka Yardımeli ee Muqdisho kala baxay Xasan Kurtun Calasow oo ahaa bukaan Xabsiga Dhexe ku xanuunsaday kaddibna ay dhakhaatiirta Xabsiga sheegeen […]

Continue Reading

Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyay lacagihii deynta ee lagu lahaa.

Arrintan oo ay ansixiyeen aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa waxaa horumuud ka ahaa xildhibaanad Ilhan Cumar oo sheegtay in maanta ay ku guuleysteen in la cafiyo deymaha uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, arrintanna ay horseedi doontaa in horay loo socdo iyo barwaaqo. “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku guuleysanay in la cafiyo deynta […]

Continue Reading

James swan ka Qaramada midoobay oo kismaayo gaaray iyo wadahadala Jubaland…

Wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland, halkaasoo uu wada hadalo kula leeyahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Booqashada Mr Swan oo ahaa mid horay u qorsheysneyd ayaa ah socdaal uu ku marayo xarumaha Maamul goboleedyada, ugana kuur galayo xaaladaha siyaasadeed, […]

Continue Reading

Gudiga doorashada Puntland oo shaaciyay habraaca diiwan galinta xisbiyada

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa shaaciyay Hannaanka iyo Habraaca loo marayo is-diiwaan-gelinta ururada siyaasadeed ee Puntland. Guddiga ayaa sheegay, in qabashada codsiyada diiwaan-gelinta, ay socon doonto mudda saddex bilood ah laga soo bilaabo 15-kii bishan December 2019 ilaa 15-ka March 2020-ka, wakhtigaasi oo ay ku egtahay diiwan-gelinta ururada Siyaasadda. Sidoo kale, guddiga […]

Continue Reading

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya weerar Al-shabaab ku qaadeen Balcad

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in saaka waaberigii uu dagaal ku dhex maray bar koontarool oo ku taal degmada Balcad ciidamo Milatariga Soomaaliya ah iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ah. Barta Koontarool ee dagaalku ka dhacay ayaa ku taal dhinaca galbeed ee degmada Balcad waxaana rasaas xoog leh laga maqlay salaadii subax […]

Continue Reading

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Madaxweyne Erdoğan Oo Geneva Ku Kulmay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka kala tirsan labada dowladood ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo […]

Continue Reading

Xildhibaanada golaha shacabka oo su’aalo waydiinaya madaxda wasaarada difaaca

Waxaa goordhaw furmay kulanka Guud ee Golaha Shacabka oo Maanta su,aalo lagu weeydiinayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed (Aamar-dambe). Kulanka waxaa shir guddoominaayo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka mudane Abdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey iyo guddoomiye kuxigeen 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad. Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ah Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyah […]

Continue Reading