C/raxmaan C/shakuur oo ka shifay olole cusub oo ay bilowday Villa Soomaaliya

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kashifay olole cusub oo lagu doonayo qodobka 56aad ee sharciga doorashooyinka ee muddo kordhinta ka hadlaya in sidiisa loo daayo, si muddada la kordhinayo ee 6-da bilood ay u hirgasho. C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in qorshaha loogu jiro muddo kordhinta ay tahay mid lagu doonayo in haddii dib […]

Continue Reading

Bankiga dhexe oo amray in la xiro akoomada forex ee Soomaaliya

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa amar uu soo saaray waxaa uu ku faray dhammaan Bankiyada Ganacsiga inay ku xiraan xisaabaadka Suuqa Sarifka lacagaha Qalaad ee loo yaqaano Forex Trading, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay aad ugu soo xoogeysanayay magaalada Muqdisho. Go’aan ka soo baxay Guddoonka sare ee Maamulka Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay in qaraar lambarkiisa […]

Continue Reading

Ahlusuna oo soo gudbisay liiska 20 kii xildhibaan ee ay saamiga u qaateen

Ahlusuna Wal-jameeca ayaa la sheegay inay soo gudbisay Liiska Xildhibaannada Galmudug qeybta laga siiyay, iyadoo qoondada 20-ka kursi ay ku salleeyeen qaab beeleed. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Warqadan ay Ahlusuna u gudbisay Beesha Caalamka, si ay ugu caddeyso liiska Xildhibaannada 20-ka Kursi ee dhankooda ka imaanaya. Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya […]

Continue Reading

Laftagareen oo sheegay inuu gurigiisa ku booqday Mukhtaar Roobow

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay inuu u howlgalay arrinta xarigga Mukhtaar Roobow, kuna booqday halka uu ku sugan yahay, isagoo caddeeyay in aanu xirneyn oo uu guri degan yahay. C/casiis Lafta Gareen oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii loo doortay xilka Madaxweynaha Koofur […]

Continue Reading

RW Khayre oo Dhuusamareeb u tagaya xaqiijinta saamiga Ahlusuna ee Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay tagaan magaalada Dhuusamareeb, si ay qeyb uga noqdaan dhameystirka geeddi socodka dhismaha maamulka Galmudug. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Dhuusamareeb uu la xiriiro xaqiijinta 20-ka kursi ee Ahlusuna laga siiyay Baarlamaanka […]

Continue Reading

Taliyaha Ciidamada Kenya oo socdaal qarsoodi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada difaaca Kenya Janaraal Samson Mwathethe ayaa dalka Soomaaliya ku yimid safar qarsoodi ah. Jenaraal Samson Mwathethe ayaa shalay booqday degmada Badhaadhe oo ay Saldhig ku leeyihiin Ciidanka Kenya ee qeybta ka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Sidoo kale Samson Mwathethe ayaa Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada […]

Continue Reading

Gen. Cabdixamiid Dirir oo Ka warbixiyey Qaraxii Gaalkacyo.

Taliyaha Ciidanka Dhulka CXD General Cabdixamiid Maxamed Dirir oo wareysi siiyey warbaahinta Dowladda ayaa faah faahiyay weerar Ismiidaamin ahaa oo fiidkii hore ee xalay ka dhacay Koofurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. General Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in gaariga laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dhuftay gaarigii ay wateen, isagoo nooca gaariga uu watay […]

Continue Reading

Axmed Madoobe oo furay Shirka Wasaaradaha Maaliyadda

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goor dhow magaalada Kismaayo ka furay Shirka u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Axmed Madoobe oo ka hadlayay furiyaanka shirka ayaa soo dhoweeyay hannaanka ay u socoto deyn cafinta, isagoo ku booriyay Hey’adaha maaliyadda dalka inay dardar geliyaan nidaamyada maaliyadeed ee dalka ka socda. Shirka ka […]

Continue Reading