Axmed Madoobe oo furay Shirka Wasaaradaha Maaliyadda

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goor dhow magaalada Kismaayo ka furay Shirka u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay furiyaanka shirka ayaa soo dhoweeyay hannaanka ay u socoto deyn cafinta, isagoo ku booriyay Hey’adaha maaliyadda dalka inay dardar geliyaan nidaamyada maaliyadeed ee dalka ka socda.

Shirka ka furmay Kismaayo oo ah mid labo maalin ah ayaa looga hadlayaa maareynta maaliyadda dadweynaha iyo nidaamka deyn cafinta Soomaaliya oo meel wanaagsan maraya, lana filayo in bisha February ee sanadka cusub lagu dhawaaqo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in hannaanka deyn cafinta uu si wanaagsan ku socdo, isagoo ka warbixiyay heerarka ay marayaan iyo Soomaaliya inay ka gaartay guulo la taaban karo maamulka maaliyadeed ee dalka.